Any action that causes harm, pain, or fear to another person.
Soomaali
Xadgudub
Ficil kasta oo qof kale u keena dhaawac, xanuun, ama cabsi.
Activities of Daily Living
ADLs
Hawl Malmeedka Qofka
Basic self-care tasks including bathing, dressing, eating, transferring, toileting, and continence. These are used to assess eligibility for long-term care services.
Soomaali
Hawl Malmeedka Qofka
Hawlaha aasaasiga ah ee qofka uu sida caadiga ah u qabsado sida qubayska, cunteeynta, is daqaajinta, musqusha iyo celinta kaadidha iyo saxarada. Hawlahaan ayaa la fiiriya markii la qiyaasayo inuu qofka u qalmo daryeel joogto ah.
Acuity
Heerka Daryeelka
A word used to describe how much care a resident needs. Higher acuity means more help is needed.
Soomaali
Heerka Daryeelka
Kalmad lagu tilmaamo heerka daryeelka uu u baahanyahay degganaha. Heerka haduu sareeyo waxay sababeysaa in la bixiyo daryeel dheeraad ah.
Acute
Deg Deg Ah
A condition that begins suddenly and often does not last long, such as a cold or flu.
Soomaali
Deg Deg Ah
Xaalad si lama filaan ah u dhacda oo badanaa aan aad u raagin sida hargabka.
Acute Care
Daryeel Degdeg ah
Short-term treatment for severe or sudden health conditions typically requiring skilled medical personnel in clinics, hospitals, or doctor's offices.
Soomaali
Daryeel Degdeg ah
Daaweeyn mudo kooban oo la daweenayo xaalad caafimaad aad u daran ama kadis ah. Daaweeyntaan, sida caadiga ah waxaa qabta shaqaale caafimaad oo xirfad u leh. Waxaana lagu qabtaa xarumaha caafimaadka, isbitaalada iyo xafiisyada dakhaatiirta.
Admissions
Qaabilaada
The process of welcoming and checking in a new resident to the facility.
Soomaali
Qaabilaada
Habka lagu diiwaangeliyo oo lagu soo dhaweeyo degganaha xarunta daryeelka.
Adult Day Services
Adeegyada Daryeelka Wayeelka
Daytime care programs for individuals needing supervision or assistance due to cognitive/functional impairments. Includes meals, activities, and social interaction.
Soomaali
Adeegyada Daryeelka Wayeelka
Barnaamijyo bixiya daryeelka ee loogu talogaley dadka u baahan kormeer ama caawimaad oo ay sababtey cilad wax garad ama daqdaqaaqa jirka. Daryeelkaan waxaa ka mid ah cunteeynta, waxqabashada iyo is dhexgalka bulshada.
Advance Directive
Dardaaran Caafimaad
Legal documents expressing your health care wishes if you're unable to communicate them. Includes living wills and medical power of attorney.
Soomaali
Dardaaran Caafimaad
Qoraal sharciyeeysan oo cadeeynaya waxa aa dooneysid in caafimaadkaaga laga qabto hadii ay dhacdo inaadsan adigu sheegan karin. Waxaa ka mid ah dardaarankaaga iyo wakiil aad ku wareejisey go'aamada caafimadkaaga ku saabsan.
Advanced Practice Nurse
APN
Kalkaaliso Caafimaad oo Takhasus Sare Leh
A registered nurse with advanced education/training, such as nurse practitioners or clinical nurse specialists.
Soomaali
Kalkaaliso Caafimaad oo Takhasus Sare Leh
Kalkaaliso caafimaad oo diiwangashan. Kalkaalisadaan waxay leedahay tababar iyo waxbarasho heer sare ah. Waxaa ka mid ah Kalkaaliso Wax Daaweeysa ama Kalkaalisooyinka Caafimaadka ku Takhasusey.
Aide
Kaaliye
A staff member who helps residents with personal care, like bathing, dressing, and eating.
Soomaali
Kaaliye
Shaqaale ee degganeyaasha ka caawiya daryeelka shaksiga ah sida qubeyska, labiska iyo cunteynta.
Alzheimer’s Disease
Cudurka Alzheimer's
A progressive form of dementia impacting memory, speech, and thought, ultimately leading to loss of independence and death.
Soomaali
Cudurka Alzheimer's
Nooc kamid ah asaasaqa oo heerkiisa si tartiib ah u soo kordho. Xanuunkaan wuxuu saameeyaa xasuusta, hadalka iyo fakarka. Ugu dhambeeyntiisa, xanuunkaan wuxuu keena inuu qofka lumiyo madaxbanaanidooda iyo dhimasho.
Ambulation
Dhaqdhaqaaqid
Walking from one place to another, with or without help or equipment.
Soomaali
Dhaqdhaqaaqid
In hal meel ila meel kale lo socon karo iyadoo la isticmaaleynin caawimaad ama wax qalab ah.
Ambulatory
Awooda socodka ama dhaqaaqa
“Ambulatory” is a term used to refer to someone who is capable of moving. In other words, someone who is not confined to a bed or wheelchair.
Soomaali
Awooda socodka ama dhaqaaqa
Waa kalmad lagu tilmaamo qof si madaxbanaan u socon kara ama dhaqaaqi kara. Si kale hadii loo macneeyo, waa qof aansan sariir ama gaari curyaan ku koobneyn.
Americans With Disabilities Act
ADA
Xeerka Xuquuqda Naafada ee Mareeykanka
The Americans With Disabilities Act is a law passed in 1990 that is intended to prevent discrimination based on mental or physical disability. This includes regulations on the design and accessibility of public buildings and modes of transportation, as well as business practices.
Soomaali
Xeerka Xuquuqda Naafada ee Mareeykanka
Waa xeer la ansaxiyey 1990 oo loogu talogaley inu ka hor istaago takoorka ku saleeysan garaadka xadidan ama curyaanimada. Waxaa ka mid ah xeerar ku saabsan naqshadeeynta dhismaha iyo hababka gadiidka ee dadweeynaha iyo sidoo kale habdaqhanka ganacisga.
Area Agencies on Aging
AAAs
Wakaaladaha Gobolka ee Waayeelka
Organizations providing community services like Meals-on-Wheels to help older adults live independently.
Soomaali
Wakaaladaha Gobolka ee Waayeelka
Waa ururro bixiya adeegyada bulshada sida cuntada gawaarida lagu wareejiyo oo laga dhan leeyahay inaay wayeelka si madax banaan u noolaan karaan.
Arthritis
Bararka Kala Goysyada
Arthritis is a joint disorder in which the joints become swollen and cause pain.
Soomaali
Bararka Kala Goysyada
Waa cilad gasha xubnaha ama kala goysyada jirka oo keenta barar iyo xanuun.
Assessment
Qiimeyn
A check-up or review to see what a resident needs for care, including health, mobility, and mood.
Soomaali
Qiimeyn
Baaritaan ama dib u eegis lagu ogaanayo baahiyaha daryeelka degganaha. Waxaa la eegaa baahiyaha caafimaadka, awooda dhaqdhaqaaqa iyo dareenka.
Assisted Devices
Qalabka Caawinta
Equipment that provides minor care and allows seniors to perform their activities of daily living. Some—but not all—of those devices include motorized wheelchairs, walkers, walking sticks, and guard rails.
Soomaali
Qalabka Caawinta
Qalab bixiya daryeel fudud kana caawiya waayelka in ay qabsadaaan hawl malmeedkooda. Qalabkaas waxaa ka mid ah kuraasta curyaaminta oo korontoda ku shaqeeya, socodsiiyeyaasha, bakooradaha iyo gacan qabsiyada darbiga ama sariiraha.
Assisted Living Facility
ALF
Xarun Daryeel
Residential option providing assistance with ADLs, medication, housekeeping, and personal care, typically for those who need less care than nursing homes provide.
Soomaali
Xarun Daryeel
Waa xarun degnaansho oo laga bixiyo caawimaad ku saabsan hawl malmeedka, daaweeynta, nadaafada guriga iyo daryeelka shaqsiga ah. Badanaa waxaa loogu talogaley dadka u bahaan daryeel ka fudud kan lagu bixiyo xarumaha kalkaalinta.
Asymptomatic
Astaan-la'aan
A person has an illness but does not feel or look sick (no symptoms).
Soomaali
Astaan-la'aan
Waa markuu qof xanuun ama caabuq qabo laakiin uusan muujineyniin wax xanuun ah amaa uusan u ekeeyn qof xanuunsan.